Maamulka Somali-land ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Kaasi oo noqon doona madaxweynaha Soomaliya afarta sano ee socota.
Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo warbaahinta u aqriyay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Somali-land ayaa sheegay in ka mamaul ahaan ay soo dhaweynayaan guusha uu gaaray madaxweyne Farmaajo.
Xuseen Aadan Cige (Dayr) Afhayeenka Madaxtooyada somaliland ayaa sheegay in maamul Somali-land ayaa ugu digay Madaxweynaha Cusub Soomaliya in uu maro wadadii ay horey u qaateen madaxweynayaashii Somaliya soo maray kuwaasi oo ku guuldareystay in ay xal ka gaaran wada-hadal nabadeed oo labada dhinac dhowr mar yeesheen.
Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) ayaa sheegay in Somali-land ay kamid aheyn waxa a yiraahdo Federaalism-ka oo lagu dhisay qaar kamid ah Maamul goboleedyada ka jira koonfurta Soomaliya.
ugu dambeyntii Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) ayaa sheegay in mas’uuuliyiinta Somali-land kasoo jeeda ee ku jira Xubnaha labada aqal aysan ayaga matalin.
https://youtu.be/UsYQBhdFlz4

