Madaxweyne Farmaajo:-“ Musuq-maasuqa iyo Isdabamarinta ayaan La Dagaalami Doonaa”

0

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadlay kadib guushii uu ka gaaray doorashadii xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladaiisa afarta sano ee soo socota y ka shaqeyn doono sidii loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa iyo isdabamarinta oo dowladahii hore ay ka caan baxeyn.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisu ay baabi’in doonto wax la yiraahdo Musuqa, Eexda, Nin jecleysiga iyo Cadaalad darida ka taagan dalka waxa uuna wacad ku maray in mudada 4 sano ee uu xilka heyn doono Somalia kasoo saaro maqaamkeeda, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay soo xoojiyaan taageerada ay u hayaan.

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhisi doono Golle wasiiro,iyo ku-xigeeno oo tayo wanaagsan islamarkaana uu rajeynayo in dalkaan ay ka samata bixiyaan dhibaatada uu ku jiray mudada badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here