Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa isaga soo laabtay Xarunta Doorashada Madaxweynaha ay ka dhacayso ee Afasiyooni Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir kadib markii ay sheegeen in aan lagula dhaqmin si wanaagsan.
Waxay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay sidoo kale ku eedeeyeen in aysan xilka iska saarin sugida amnigooda islamarkaana ay ula dhaqmeen sida dadka caadiga aH, iyagoo la galiyay saf dheer.
Tiro lagu qiyaasay 15-xildhibaan ayaa dib ugu soo laabtay xarunta doorashada madaxweynaha ee Afasiyooni Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxayna sheegeen in sidoo kale ay u baqeen amnigooda islamarkaana meesha uusan ka jirin amni la isku haleyn karo.


