Xarunta Afasiyooni ee Degmada Waabariga waxaa goordhaweyd ka bilaabatay doorashada madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya.
Doorashada waxaa ka qeyb galaya marti sharaf kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, safiiro, kuwaasi oo goob jooog ka noqonaya qaabka ay u dhacayso doorashada, xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare ayaa cododkooda dhiibanaya kuwaasi oo go’aaminaya cida noqonaysa Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
Kulanka waxaa goobjoog ka ah 328-mudane oo isugu jira Golaha shacabka iyo aqalka Sare, waxaa inta aysan doorashada bilaaban la dhaariyay xildhibaano maalmihii aynu soo dhaafnay la doortay, kadib doorasho ka dhacday muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay in Musharax Madaaxweyne Zakariye Xaaji Maxamed Cabdi in uu tanasulay.
Musharaxiinta xilka Madaxweyninimo u taagan, ayaa kala ah:
1. Shariif Sheekh Axmed
2. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3. Maxamuud Maxamed Culusow
4. C/qaadir Cosoble Cali
5. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
6. Maxamed Cali Ameeriko
7. C/naasir Maxamed Cabdulle
8. Maxamed C/llaahi farmaajo
9. C/raxmaan C/shakuur Warsame
10. Jibriil Ibraahim Cabdulle
11. Cali Xaaji Warsame
12. Saciid C/llaahi Deni
13. Saciid Ciise Maxamuud
14. Xasan Sheekh Maxamuud
15. Maxamed Axmed Jabarti
16. Maxamed Cabdirisaq
17. Cabdulahi Cali Axmed
18. Cabdulahi Cilmooge Xirsi
19. Bashiir Raage Shiiraar
20. Xaaji Maxamed Yaasin
21. Axmed Maxamed Cabdi
C/raxmaan Faroole, Zakire Xaaji Maxamed cabdi Eng C/ahi cali Xasan ayaa Tanasulay.

