War Deg Deg:-Weerar Qorshaysan oo Goordhaweyd Lagu Qaaday Hoteel Ku Yaala Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in rag Hubeysan ay saakay weerar qorshaysan ay ku qaadeen mid kamid ah Hotelada ugu waa waaweyn ee ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hoteelka la weeraray ayaa lagu magacabaa The Village waxa uu ku yaala Dhanka Koonfureed ee Magaalada Boosaaso.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo labo kamid ah ahaayeen kooxdii weerarka ku qaaday Hoteelka ayaa ku dhintay, waxaa loo badinayaa in ay ka Tirsanaayeen Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Gobolka bari.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay doonayeen in ay gudaha u galeen hoteelka balse ilaalada hoteelka ay ku guuleysteen in ay dilaan ka hor inta aysan galin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here