Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya DR C/qaasim Salaad Xasan oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee VOA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada madaxweynaha Soomaliya oo maanta ka dhacaysa Magaalada Muqdisho.
DR C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya ayaa guul weyn ku tilmaamay in hogaamiyayaasha Soomalida ay ku heshiyaan in madaxweynihii dalka hogaamin lahaa in lagu doorto magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka, halka markii hore lagu dooran jiray dalka dibadiisa.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare in ay doortaan Madaxweyne daacad ah oo dalka ka samata bixin kara dhibaatada, wuxuu Culimada Soomaliyeed iyo shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay ilaahey u baryaan dalka si dhibtaada ugu Saaro.
Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya DR C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Soomaliya ay Faragalin ku hayaan dowladaha dariska la ah islamarkaana a doonayaan in Soomaliya aysan ka dhicin nabad.

