Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaa maanta Lagu qabtay Doorashada Labadii Kursi ee ugu dambeysay Xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land.
Labadana Kursi ee Maanta la doortay ayaa waxaa ka jira isqabqabsi xoogan oo u dhaxeeya beelaha wada daga Sool iyo Sanaag, ee Maamulka Somali-land.
Billaal Idiris C/llaahi ayaa kusoo baxay Kursiga hore kaasoo helay cododkii ugu badnaa, isagoo noqday Xildhibaankii 53aad, Sidoo kale waxaa isna
kursigii ugu dambeeyay ee 54aad ku guuleystay Siciid Cabdi Xuseen, waxaana sidan ku dhameystirmay xubnaha Aqalka sare oo horay qabyo u ahaa.
Magaalada Muqdisho waxaa maalinta bari ah ka dhacaya doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya doorashada waxaa ka qeyb galaya 329 xildhibaan oo labada aqal ah, iyadoo ay soo dhameystirmeen 5-tii kursi ee horay loo laalay, kuwaasoo dib doorashadooda loogu celiyay.

