Musharax Goordhaweyd Shaacinaayo in uu Ka Tanasulay Musharaxnimadiisa

0

Warar haatan soo gaaray idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame uu ku dhawaaqayo in uu ka tanasulay Xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada maalinta bari ah dhacaysa.

Ilo ku dhow Cali Xaaji Warsame oo kamid ah Xubnaha kasoo jeeda deeganada Maamulka Puntland ayaa idaacadda Simba u sheegay in uu ms’uulka lagu qanciyay in uu ka tanasulo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada oo haatan ka harsan wax ka yar 24-saac.

Waa Musharixii Labaad ee kasoo jeeda deeganada Puntland ee ka Tanasula Xilka madaxweynaha Soomaliya,waxa maanta ka tanasulay Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha Soomaliya Madaxweynihii hore ee Mamulka Puntland Dr c/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo kmid ahaa xubnihii loo sadaalinyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here