Waxaa Goordhaweyd bahda Saxaafadda muqdisho loogu yeeray xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka madaxweynaha Soomaliya.
Ilo lagu Kalsoonan karo ayaa u sheegay idaacadda Simba in Mas’uulka uu doonayo in uu ku dhawaaqo ka tanasulida Mushariximadiisa Xilka Madaxweynaha Soomaliya, oo dhawaan uu shaaciyay in uu u sharaxan yhay.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntlnd Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd kulanka ayaa la sheegay in diirada lagu saaray arrimaha doorashada.
Hadii ay dhacdo in uu Tanasulo Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noqonayaa mas’uulkii 2-aad ee maanta ka tanasula Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha waxaa maanta Tanasulay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.
Wixii kusoo kordha Warkaan Kala Soco Simbanews.com

