Faratoon:-“Gallayr Waa Muwaadin Somali-land. Khaatumana Waa jabhad Isaga Ka Amar Qaadata”

0

Maamulka Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadlay socdaalkii uu ku Tagay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr oo siyaasad ay is qilaafsan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland, Yaasiin Maxamud Xiir (Faratoon), ayaa warbaahinta Magaalada Haregysa u sheegay inaysan dhibaato ku jirin socdaalka uu ku yimid Hargaysa, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State kadib markii Malaashiaad hubeysan u diideen in u ka duulo magalada Buuhoodle, waxa uuna  tilmaamay inuu ka qayb qaadanayo wada-xaajoodka u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland, Yaasiin Maxamud Xiir (Faratoon),  ayaa sheegay in uu ku waaberiistay Madaxweynaha Magaalada Hargeysa islamarkaana uu ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland, Yaasiin Maxamud Xiir (Faratoon),ayaa sidoo kale Gallayr ku tilmaamay muwaadin reer Somaliland ah, halka maamulka Khaatumo uu ku sifeeyay jabhad isaga ka amar qaadata oo katirsan deegaanada Somaliland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here