Gadiid ay Wateen Ciidamo Amisom ka Tirsan  oo Qarax Miino Lagula  eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha

0

Wararka Naga soo gaaraya xaafada  suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banadir ayaa sheegaya in Galabnimadii Maanta  xaafadaas qarax miino Lagu eegtay Gadiid ay wateen Ciidamada Midowga Africa  ee amisom

Qof goob jooge ah oo ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Ayaa idaacada Simba u sheegay in Gadiid ay wateen ciidamo amisom  qaraxa lala eegtay isagoona sidoo kale xusay in qasaaro uu soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay.

Dhanka kale Goobta qaraxa lagu eegtay ciidamada Amisom ayaa saacado xirneed waxayna ciidamada Amisom ay Fureen rasaas xoogan taasi oo aan la ogeyn qasaaraha ay Geystay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here