Wararka Naga soo gaaraya xaafada suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banadir ayaa sheegaya in Galabnimadii Maanta xaafadaas qarax miino Lagu eegtay Gadiid ay wateen Ciidamada Midowga Africa ee amisom
Qof goob jooge ah oo ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Ayaa idaacada Simba u sheegay in Gadiid ay wateen ciidamo amisom qaraxa lala eegtay isagoona sidoo kale xusay in qasaaro uu soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay.
Dhanka kale Goobta qaraxa lagu eegtay ciidamada Amisom ayaa saacado xirneed waxayna ciidamada Amisom ay Fureen rasaas xoogan taasi oo aan la ogeyn qasaaraha ay Geystay.

