Xidiga qadka dhexe ee kooxda West Ham United Manuel Lanzini ayaa ka Hadlay xiisaha kaga Yimid kooxda Liverpool,
22-jirkaan ayaa Bandhig amaah ah kusoo qaatay kooxda Magaalada ee Dubia ee Al Jaziira isagoona u dhaliyay 5-Goal dhamaan tartamada oo dhan sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xidigihii Guusha gaarsiiyay kooxda West Ham United kulankii Liverpool.
Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa la aaminsan yahay in Bisha January uu u dhaqaaqi doono laacibka qadka dhexe ee kooxda West Ham United Manuel Lanzini oo lala Barbardhigo Luke Modric.

