Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in askar ka tirsan Ciidamadooda ay gowraceen Dagaalyahanada Daacish oo si afduub ahaan u heystay Maalmihii dambe.
Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Janeraal Siciid Maxamed Salaad ”Garayacowl” oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay dhalinyaro ilaa 3-gaaraysay oo kooxda Daacish ay qoorta ka jareen kadibna ay soo dhigeen Waddo gasha degmada Qandala ee Gobolka Bari ee deeganada Maamulka puntlnd.
Waxa uu sheegay sheegay in dadka qoorta laga jaray ay ka mid ahaayen dad la afduubay oo lagala dagay gaari u socday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, wuxuu imtaas ku daray in gaariga ay saarnaayeen Askar ka tirsan Puntland, hasa yeeshe ay baxsadeen gaariga markii ay Kooxdu soo Weerartay.
Dhanka kale Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Janeraal Siciid Maxamed Salaad ”Garayacowl” ayaa sheegay in dhawaan la qaadi doono duulaan buuraha galgala ee Gobolka bari loogu saarayo dagaalyahanada Daacish oo halkaas ku sugan.

