Soomali Ka Dambeysay Dil Loo Geystay Muwaadin Ethopian ahaa oo Xabsiga La Dhigay

0

Booliska Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika ayaa xabsiga dhigay 3-dhalinyaro Soomali ah oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyay dil loo geystay Muwaadin Ethopian ahaa oo lagu dilay Magaaladaas.

Dilka Muwaadinka Ethopian ahaa ayaa ka dhacay degmada Salvakop ee Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika, waxayna booliska Magaaladaas baaritaan ay saameeyeen ay kusoo qabteen dhalinyaradaan Soomalida ah ee dilka ku eedeysan.

Sidoo kale Booliska Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in ay ayaga ka dambeeyeen dilka islamarkaana haatan ay ku xiran yihiin Saldhiga Booliska Magaaladaas.

Aguastinah Selepe oo ah Afhayeenka Ciidamada Magaalada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika  oo soo qabashada dhalinyarada kadib ayaa sheegay In ganacsadaha Ethopia lagu dilay goobtiisa Shaqo xili uu galay hurdo waqti gaaban ah.

Sidoo kale Aguastinah Selepe oo ah Afhayeenka Ciidamada Magaalada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika ayaa sheegay in Ganacsadaha markii la dilay kadib laga qaatay Lacago Dukaanka u yaalay oo Dollar ahaa, iyo gaari kuwa raaxada ahaa oo Banaanka Dukaanka xiligaas yaalay dilka kadib.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here