Wararka Ka imaanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Goboleedka Galmudug Howlgal qorshaysan ay ku dileen Madaxii Maaliyadda Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Dhexe nin lagu sheegay magaciisa Carab.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In sarkaalka la Dilay uu dhibaatooyin badan uu ku hayay dadka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee koonfurta Soomaliya, islamarkaana uu kusoo rogay Lacago badan in laga qaado.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Dhexe oo loogu hadlaayo Howlgalka lagu dilay Madaxii Maaliyadda Al-shabaab carab.

