Soomaaliya oo Intarnet La’aan Noqonaysa Muddo Labo Asbuuc ah!

0

Adeega internet-ka ee xaruntiisu tahay Jaziirada  Madagascar-ka  ayaa waxaa soo gaaray cilad Farsamo oo aad u weyn taa oo ka dambesay markii ay hoos u jabtay xariiqmooyinka qadka ay bixiso.

Shirkada Eassy Cable oo kamid ah ah shirkadaha  ugu weyn ee qaarada Africa siisa adeega internet-ka taa oo bixisa qadka xawaarihiisu sareeya ee Fibre Optic ayaa noqotay mid cilad baahsan oo gaarsiisan ilaa iyo 2,600 oo ah biyaha hoostooda in ay soo wajahday qadadkii halkaa marayay oo intooda badan ay burburtay taa oo  u jirta 38-km magaalo xeebeedka Toliara ee gudaha jaziirada Madagascar.

“Shaqaalaheena Farsamada waxeey habeen iyo maalin la daala dhacayaan sida ugu macquulsan ee lagu xalin karo ciladaasi” sidaasi waxaa lagu sheegay war Shirkadani ay soo saartay.

Cilada farsamo ee soo wajahday shirkada internet-ka  EASSy cable taa oo qad internet siisa dalalka South Africa, Mozambique, Tanzania, Kenya, Somalia, Djibouti iyo Sudan ayaa waxa ay sheegtay in si wadajir ah ciladu u saameyn doonto.

Waxaa sidoo kale shirkadani bixisa adeega internet-ka ay sidoo kale siisaa adeegeeda dalal kale oo dhaca qaarada Africa sida: Botswana, Burundi, the Central Africa, the Democratic Republic of Congo, Chad, Ethiopia, Lesotho, Malawi, Rwanda, Swaziland, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.

Warbixitaan ayaa lagu sheegay in ciladani ay qaadan karto xalinteeda muddo labo asbuuc ah iyada oo ay ugu wacan tahay cilada farsamo ee soo wajahday shirkadaasi.

Macaamiisha internet-ka ee jaziiradaasi ayaa hada waxaa heysata cilad soo wajahday interne-ka ay isticmaali jireen.

Sanadii 2006-dii ayeey aheyd markii ugu horeysay dalkaasi ay soo wajahdo cilad nuucan oo kale ahi tan iyo markii la bilaabay adeegan qadka ee dhulka hoostiisa la marsiiyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here