Dhageyso: Maamulka Puntland oo ka Warbixiyay Dagaalkii Saakay ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland  ayaa dhankiisa ka warbixiyay dagaalkiii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Cabdicasiis Jaamac Nugaal oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay subaxnimadii Hore ee saakay ay weerar kusoo qaateen xarun ay ka socotay dhismo, Taasina ay keentay in dagaal xoogan uu dhaxmaro ciidamada Maamulka Galmudug iyo Kuwa Maamulka Puntland ee goobta ku sugnaa,

Dhanka kale Cabdicasiis Jaamac Nugaal Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa uu ku eedeeyay ciidamada  Maamulka Galmudug in ay waxyeelo u geysteen dadkii rayid ahaa ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Inta la xaqiijiyay dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad gaaraya 10-qof oo intooda badan ahaa dad Rayid ahaa oo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo-

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here