Dhageyso: Maamulka Galmudug oo Soo Bandhigay Ciidamo la Sheegay in ay ka Tirsanaayeen kuwa Maamulka Puntland

0

Maamulka Galmudug  ee Gobolada dhexe ayaa ka warbixay dagaalo saakay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Koonfureed,

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug  Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleeyd oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay Gacanta kusoo dhigeen askar ka Tirsaneed ciidamada Maamulka Puntland oo qeyb ka ahaa dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiir  Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleeyd Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug  waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu Gargaar Caafimaad u Fadiyay ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen,

Dhanka kale Ciise Nuur Taardhuleeyd waxa uu ku eedeeyay Maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaas C/wali Maxamed Cali Gaas In uu Mas’uul ka Yahay dagaalada saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here