Maamulka Galmudug ee Gobolada dhexe ayaa ka warbixay dagaalo saakay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Koonfureed,
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleeyd oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay Gacanta kusoo dhigeen askar ka Tirsaneed ciidamada Maamulka Puntland oo qeyb ka ahaa dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleeyd Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu Gargaar Caafimaad u Fadiyay ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen,
Dhanka kale Ciise Nuur Taardhuleeyd waxa uu ku eedeeyay Maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaas C/wali Maxamed Cali Gaas In uu Mas’uul ka Yahay dagaalada saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

