Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 68-kamid ahaa Ciidamadii Kenya ayaa lagu dilay weerarkii aroornimadii jimcaha aheyd lagu qaaday xero ay ku lahaayeen deegaanka kulbiyoow oo Xarakada Al shabaab halkaasi ay ku qaadeen sida laga soo xiganayo ilo ka Tirsan Militriga Kenya oo Warbaahinta la hadlay.
labo aag oo ciidamo gaaraya 72 askari ku sugnaayeen ayaa taliya-yaashooda waxa ay ku amreen in ay dib u gurtaan maadaama weerarku uu ahaa mid lama filaan ahaa iyadoo ku adkaatay ciidanka in durbadiiba ay is qaabeeyaan.
Ilo militriga ka tirsan ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid xoog badan oo qoryo kala duwan loo adeegsaday kaa oo sabababy qasaaro kala duwan oo ciidankooda soo gaaray.
Waxa uu sidoo kale sheegay in 30-kamid ah ciidamadaasi weerarka lagu soo qaaday la’geeyay xarumaha caafimadka oo qaar badan halkaa ay ku dhinteen, isaga oo timaamay in weerarkaasi gabi ahaanba lagu burburiyay xeradii kolbiyoow ay ku lahayeen ciidamada Kenya.

