Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo shacab ahaa iyo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dhaawacmay kadib qarax miino oo galabta ka dhacay maqaayad ku taala deegaanka Buurane Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka dhaawacmay ayaa la xaqiijiyay in ay ku sugnayeen gudaha maqaayadda, waxaa dad ku sugan deegaanka Buurana ay inoo sheegeen in qaraxa lagu aasay gudaha maqaayadda islamarkaana la doonaya in lagu qarxiyo askar ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo xiliyadda galabkii fadhiista Maqaayadda.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka deegaanka Buurane Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe aynu la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan qaraxa galabta ka dhacay maqaayadda Degmadaas.

