Wararka xiligaan ka imanaya Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland in ay ku dagaalameen xuduudka ay wadaagan Labada Maamul.
Dad ku sugan magaalada gaalkacyo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in subaxnimadii Hore ee saakay labada ciidan ee ka kala Tirsan Puntland iyo Galmudug in ay ku dagaalameen xuduudka ay wadaagaan Labada Maamul ee dhanka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka.
Ilaa Hada lama ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka saakay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kasoo u dhaxeeyay ciidamo ka kala Tirsan Galmudug iyo Puntland
Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Maamulada Puntland iyo Galmudug ay kaga Hadlaan dagaalka saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Dhanka Koonfurta.

