Sergio Busquets oo ka Hadlay Guushii ay ka Gaareen kooxda Real Madrid

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa aaminsan in kooxda Barcelona ay ka awood badneen kooxda Real Madrid kulankii  xalay dhacay.

Kooxda Catalan ayaa kooxda Real Madrid  kaga adkaatay 4-0 kadib goolal ay ka heleen xidigaha Luis Suarez oo labo Gool dhaliyay iyo Neymar iyo Andres Iniesta oo goolal dhaliyay.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain Busquets ayaa sheegay in kalsooni ku qabeen in ay guul ka gaaraan kooxda  Real Madrid markii ay usoo safrayeen Magaalada Madrid .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here