Xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa aaminsan in kooxda Barcelona ay ka awood badneen kooxda Real Madrid kulankii xalay dhacay.
Kooxda Catalan ayaa kooxda Real Madrid kaga adkaatay 4-0 kadib goolal ay ka heleen xidigaha Luis Suarez oo labo Gool dhaliyay iyo Neymar iyo Andres Iniesta oo goolal dhaliyay.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain Busquets ayaa sheegay in kalsooni ku qabeen in ay guul ka gaaraan kooxda Real Madrid markii ay usoo safrayeen Magaalada Madrid .

