Sergio Ramos ayaa ugu baaqay dhamaan ciyaartooda kooxda Real Madrid in ay Taageero u muujiyaan macalinkooda Rafael Benitez kadib guuldaradii kasoo gaartay kooxda Barcelona kulamada Horyaalka dalka Spain,
Dhanka kale Ciyaartooda kooxda Real Madrid ayaa Todobaadkaan ugu baaqay macalinkooda in uu wax ka badalo qaab ciyaareedkiisa xili Habeenkii xalay ahaa Guuldaro ay kala kulmeen kooxda Barcelona
Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa xalay ka xumaaday wixii ay soo bandhigeen ciyaartooda kooxda Real Madrid xili ay guuldaro kala kulmeen kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.
“waa in aan Taageernaa Macalin Benitez. Ma jiro Weerar aan ku Nahay kooxda Barcelona ayuu wariyaasha u sheegay daafaca kooxda Real Madrid

