Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Ciidamada Daacish ay gaari kala dageen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo kusii jeeday dhanka Magaalada Boosaaso.
Dagaalyahanada daacish ayaa la sheegay in gaariga kusii jeeday Magaalada boosaaso ay wada u galeen islamarkaana ay sidaas ku afduubteen, waxaa la xaqiijiyay in ay ula dhaqaaqeen howdka Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo dhawaan lagala wareegay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay in dadka gaari lagala degtay ay isugu jiraaan Ciidamada maamulka Puntland iyo dad shacab ah.

