Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee dowladda Hiiraan ayaa faa-faahin ka bixiyay 4-ruux oo lagu eedeeyay shabaabnimo oo lagu xiray kunteernar islamarkaana qof kamid ah uu dhintay.
Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdule Fiidoow oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afarta Ruux ay horaan gacanta ku dhigeen Ciidamada amaanka degmadaas islamarkaana baaritaano kadib la ogaaday in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
“Ciidamada amaanka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan horaan ayay gacanta waxa ay ku dhigeen afarta ruux waa la xiray, waxay sheegeen in degmada laga yaqaano dadkii ay yaqaaneen ayaa loo yeeray, nasiib daro waxa ay sheegeen in ay yihiin Al-shabaab, mid kamid ahaa ayaa lagu xiray kunteenar halkaas ayuu ku dhintay”, ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdule Fiidoow ayaa sheegay in guddi loo xilsaaray arintaan islamarkaana natiijadii kasoo baxdo warbaahinta lala wadaagi doono.

