Madaxweyniii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) haatana kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee dalka islamarkaana ah Musharax Madaxweyne ayaa maanta Xarunta Madaxyooyada villa Soomaliya kula kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud oo asna ah Musharax Madaxweyne.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xubnaha Labada aqal ee ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa kulanka diirada lagu saaray arrimaha doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
Durbadiisa waxaa walaac xoogan ka muujiyay kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud iyo siyaasiga C/raxmaan Shiikh maxamed maxamuud (Faroole) oo haatan haysta codka aqlabiyada xubnaha ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyniii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa kalsooni ka haysta Xildhibaanada Labada aqal ee laga soo doortay deeganada Maamulka Jubba-land, madaada uu isaga ka qeyb ahaa siyaasiyiin sabab u ahaa hanaqaadka iyo dhismaha dowlad Goboleedka jubba-land.
Kulanka kadib waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Madaxweyniii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Xasan shiikh maxamuud waxa ay sheegeen in ay ka hadleen oo kaliyah arrimaha doorashada Madaxweynaha oo dhacaysa bilowga bisha February ee sanadkaan cusub.
Madaxweyniii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh maxamed maxamuud (Faroole) ayaa sheegay in xasan shiikh maxamuud ay kala aragti duwaanaayeen waayihii Hore balse ay haatan isku soo dhawaadeen, madaama ay soo dhawaatay doorashada Madaxweynaha labadoodana ay yihiin Musharax Madaxweyne.




