Ciidamada Malatariga Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo kuwa Jubba-land ayaa dib ula wareegay deegaanka Kulbiyoow ee Gobolada Jubada Hoose oo saakay Al-shabaab ay la wareegeen kadib dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka.
Gudoomiyaha Degmada Badheedhe ee Maamulka Jubba-land Faarax Haybe ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Al-shabaab oo saakay la wareegay saldhiga deegaankaas ku yaalay ay galabta ka baxeyn islamarkaana ay horey usii qaateen saanad Malatariga iyo hub ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Badheedhe ee Maamulka Jubba-land Faarax Haybe ayaa xaqiijiyay in dagaalka saakay uu ku geeriyooday Gudoomiyihii deegaanka Kulbiyoow ee Maamulka Jubba-land Ala Ha U naxariistee Mohamed Toryare Nuuh oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii halkaas ku sugnaa.
Dagaalkii saakay deegaanka Kulbiyoow ee Gobolada Jubada Hoose shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen 51-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya, balse Kenya ayaa arintas gaashaanta u daruurtay.

