Wararka ka imaanaya degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in xalay Gudaha degmadaas Lagu dilay nin la sheegay in uu dhawaan ka goystay al-shabaab isagoona isku dhiibay ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan degmada Balad-xaawo.
Dad ku sugan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kooxo hubeysan Habeenkii xalay ahaa Gudaha degmadaas ay ku dileen ninkaan la sheegay in dhawaan uu ka goystay ciidamada al-shabaab.
Dhanka kale Ninka la dilay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Muuse xuseen C/raxmaan wuxuuna sanadihii dambe ka Tirsan xarakada al-shabaaab oo ku sugneed Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya,
Dilka ayaa ka dhacay xaafada Cali dheere ee degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaana saakay ka socda Baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya si losoo qabto Ragii ka dambeeyay dilka.

