Keating oo Ka Digay in La Musuq-maasuqo Doorashada Madaxweynaha Cusub  Soomaliya

0

Denjiraha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaliya Micheal Keating oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee dhici doonto bisha February 8-deeda.

Micheal Keating ayaa ku  amaanay Xubnaha Guddiga doorashooyinka dalka sida ay u wada shaqeeyaan waxa uun hadalkiisa ku daray in beesha caalamka ay garab taagan tahay Guddiga ayna rajeynayso in doorashooyinka ay si guul ah kusoo dhamaadeen.

Dhanka kale Denjiraha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in hadii la musuq-maasuqo Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, islamarkaana uu shaqsi kusoo baxay si awood ah ay adkaaj doonto wada shaqeynta Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya iyo beesha Caalamka.

“Waxaa Muhiim ah in doorashada Madaxweynaha ee dhacaysa 8-bisha February In ay ku dhacdo si xur iyo xalaal, hadii taasi ay dhici wayso oo madaxweynaha cusub lagu doorto si musuq-maasuq ah waxaa adkaan dooonto wada-shaqeynta  ay yeelan doonaan beesha caalamka iyo madaxweynaha la doortay”, ayuu yiri Micheal Keating.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore ka digtay in la masuq-maasuqo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ee markaan la filayo in ay dhacdo bisha February 8-deeda sanadkaan cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here