Paul Njuguna;”Al-shabaab Waan Iska Difaacnay, Ciidankeena ayaa Ku Sugan Kulbiyoow”,

0

Dowladda Kenya faah-faahin ka bixisay weerarkii xoogaanaa ee saakay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidameeda ay ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose

Afhayeenka Ciidamada Malatariga Kenya Lieutenant Colonel Paul Njuguna, ayaa warbaahinta u sheegay in Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan ay ku qaadeen Saldhig ay deegaankaas ku lahaayeen Ciidankooda, hamigoodana ahaa in ay gabi ahaanba ay la wareegaan gacan ku heynta Saldhiga Deegaanka Kulbiyoow.

Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa hadalkiisa ku daray in weerarka uu dhacay abaarihii 05:00 habeenimo xiliga geeska afrika Ciidamada Saldhiga ku sugnaa ay ka warhayeen in Al-shabaab ay weerar kusoo yihiin.

Afhayeenka ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada Al-shabaab ee ku aadan in saldhiga ay la wareegeen islamarkaana ay dileen 51-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika Amisom.

“Taasi sax ma ahan waa qeyb kamid ah been abuurka, ayuu Colonel Paul Njuguna warbaahinta u sheegay, waxay isku soo dayeen in saldhiga ay la wareegaan, weerarka waxa uu dhacay 05:00 Habeenimo, Kulbiyow anaga ayaa wali ku sugan, meelna kama aadin, waa been abuur hadaad maqasheen waa lala wareegay”,

Ciidamada Kenya ayaa Soomaliya yimid sanadkii 2011-kii waaxayna qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya saldhiga ugu weyn ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo waxa ay dageen bishii October 3-dii, sanadkii 2012-kii.

Weerarkii saakay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose ayaa ku soo aadaya xili sanad laga joogo weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde  ee Gobolada Gedo, 15-kii Junuary sanadkii 2016-kii kaasi oo lagu dilay 100-askari oo kenyaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here