Sida lagu daacabay wakaaladda wararka sudan u fidisay waxa uu xiriir dhanka qadka ah uu dhex maray Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Shabaab iyo Boqor Salmaan Binu C/Casiis Aala Sacuud oo ah boqorka Sacuudiga.
Badi kulankooda qadka waxa ay kaga wada hadleen arimaha Soomaaliya iyo guud ahaan arimaha Doorashada, Amaanka iyo waliba Xaaladda dadka Soomaaliyeed ee Libiya kaga sii gudba dalkaasi.
Madaxweynaha Sudan Sareeye Guuto Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Boqor Salmaan kusoo hadal qaaday arimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii ay xiligaani ay ugu soo dirsan lahaayeen matalayaal labada dal ah.
“Waxa aynu isku soo hadal qaadnay arimaha wadamada Soomaaliya, Liibiya iyo guud ahaan dunida carabta, waxa aynu kawada hadalnay sidii wax looga qaban lahaa colaadaha ku ekoobay wadamada Muslimiinta” sidaana waxaa laga soo xiktay Madaxweyne Al-Bashiir.
Madaxweynaha Sudan ayaa noqday hogaamiye dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ku dhex leh wadamada Afrika iyo waliba kuwa Carbeed inkastoo mudooyinkaani uu noqday hogaamiye ay yartay in dalkiisa uu ka baxo maadaama ay baadi goob ku heysto Maxkamadda Dambiyada Caalamiga.

