Camey:-“Dowladnimada Soomaaliya Waxaa Hor Taagan Wadamada Shisheeya iyo Ciidamada Amisom”,

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulkaas ayaa ka hadlay ka xaaladda Siyaasadeed ee Soomaliya iyo doorashada madaxweynaha Soomaliya oo dhacaysa 8-da bishan Soo socota ee February.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa tilmaamay in dowladnimada Soomaaliya ay hor taagan tahay faro gelinta ay wadamada Shisheeya ee ku hayaan arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Amisom oo uu sheegay in lagu xaqiray dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo la wareega mas’uuliyada amni ee dalka.

“Dhawaan markaan Xamar tagay, waxyaabaha aan ku arkay oo aan ka qiirooday waxaa kamid ah Gabadh yar oo safiir ah oo farta ugu yeeraysa madaxweynihii Soomaaliya, Runtii waan ka calool xumaaday, waxaana aan garowsaday in Muqdisho labo dowladdood ay ka jirto, dowlad federalka iyo beesha caalamka oo leh awooda ugu weyn.sheegay inta soomaliya ay ku sugan yihiin Ciidamo Shisheeye aan la heli doono dowladnimo.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in boob xoogan iyo musuq-maasuq in lagula kacay Kuraasta Woqooyi ee dhanka Maamulka Puntland ay ku laahayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here