Kornel C/nuur Jaamac Jookar oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay Hubka dhawaan lagu qabtay Markab Ganacsi oo ku soo xirtay Dekada Magaalada Kismaaayo ee Caasimada Km gee Maamulka Jubba-land uu yahay mid halis ku ah dhamaanka Amaanka Wadamada Qaarada Africa oo uu ugu Horeeyo Dalka Soomaaliya.
Kornel jookar ayaa tilmaamay Hubkaan oo ka kooban yahay 20-kun oo Bastoolahada Nuucaa Dhawaaqa laheyn iyo Miinooyinka Nuucayada ugu Casrisan, islmarkaana waxa uu tilmaamay in hadii kooxi gaar ah gacanta ku dhigto uu helis gali karo amaanka Soomaliya.
Dhawaan Markab lagu Magacaabo Shiib Africaan oo ka diwaangasha dalka Koofur Africa oo waday Shixnado Ganacsi ayaa laga dhex helay dhowr konteenar oo ay ku jiraan nuucyo ka mid ah Hubka fudud oo iskugu Jira Bastooladaha nuuca aan dhawaaqa lahayn iyo Qoryahay Ak-47 sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Saraakiisha Maamulka Jubba-land.

