Malaaqyo Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho

0

Malaaqyo kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kana mid ahaa Mas’uuliyiintii ku sugnaa Hoteelka Dayax ayaa la xaqiijiyay In ay u dhinteen dhaawacyo helis ahaa oo kasoo gaaray qaraxyada Hoteelka lagu weeraray.

Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Keeroow iyo Malaaq Cabdirashiid Shiikh Cabdi Salaam oo maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kasoo wada jeeda oo maalmihii dambe hoteelka ku sugnaa  ayaa la xaqiijiyay in ay kamid ahaayeen Mas’uuliyiinta halkaas ku dhintay.

Dhanka Kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaliya  Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Malaaqyad kasoo jeeda Deeganada Maamulkaas ee maanta qaraxyada ku dhintay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here