In ka badan 40-ruux oo iskugu jira Dad shacab ah iyo Suxufiyiin ka shaqeeya Warbaahinada kala duwan ee dalka iyo dibadiisa ayaa dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Madiina ee Magaalada muqdisho, kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxyadii labada ahaa ee saakay lagu weeraray Hoteelka Dayax.
Dadka sidoo kale isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho la gaarsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa dad meyd ah oo ku dhintay Qaraxyadii ka dhacday Hoteelka Dayax, dadka ayaa intooda badan ka jabay lugaha iyo madaxa.










