Todobo Caruur Ahaa oo Ku Dhimatay Qaraxyadii Lagu Weeraray Hoteelka Dayax+Sawirro

0

Todobo Caruur ahaa iyo Macalinkii dugsi Qur’aanka u dhigayey ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saakay lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Caruurta dhimatay iyo Macalinka ayaa  ku sugnaa Xarun Dugsi oo ku taalay meel aan sidaas ugu fogeyn Hoteelka Dayax oo saakay ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab,  waxaa xarunta sameeyay qaraxii kowaad oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xaqiiiyay in caruurta dhimatay ay gaarayaan tiro ahaa ilaa todobo Caruur ahaa iyo macalinkii wax barayay.

 

qarax-dayax-hotel-2 qarax-dayax-hotel-3 qarax-dayax-hotel-9 (1) qarax-dayax-hotel-6 qarax-dayax-hotel-5 qarax-dayax-hotel-7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here