Maraakiibta Dalka Shiinaha ayaa lix-sano kadib waxa ay bilaabayaan howlgalka lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomalida iyada oo biyaha gacanka cadmeed ee Soomaaliya iyo yeman kuwaa oo u soo dirtay maraakiibta dagaalka.
Saddex kamid ah maraakiibta dagaalka oo ah kuwo ku hubeysan hubka wax burburiya ayaa kasoo ambabaxay xeebaha magaalada Doha ee dalka Qatar oo soo maray dakadda jiddah ee Sacuudi Carabiya sida warbaahinta dowlada shiinaha ee CCTV ay baahisay.
Howlgalkaan ayaa ah mid maraakiibta ganacsiga iyo kuwa caalamiga ah ay ku ilaalin doonaan biyaha gacanka Cadmeed ee Xeebaha Soomaaliya iyo Yeman halkaa oo sidoo kale dowldaha britian iyo Mareykanka ay ku leeyihiin Maraakiib kuwa dagaalka ah.
Dowladda Shiinaha ayaa muddo dheer kadib isku dayeysa in ay lug ku lahaato howlgalada la dagaalanka bur-cad badeeda iyada oo sidoo kale ku lug la’haaneysa Dadaalada nabadeeed ee Syria iyo yeman.

