Qarax ay Ku Dhinteen Askar Ka Tirsanaa Dowladda oo Ka Dhacay Afgooye

0

Inta la xaqiijiyay 5-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dhintay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib qarax miino oo dhulka oo ka dhacay Goob ay Fariistaan oo ku taala Degmada Afgooye.

Qaraxa miino ayaa dhacay abaarihii 08:10 daqiiqdo sida ay inoo xaqiiiyeen goob joogayaal ka ak dhawaa halka qaraxa ka dhacay, waxaa ka dhashay dhimashada iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaliya Federaalka Soomaliya oo xili walba fariisan jiray goobta.

Goobta ka dhacay ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay shalay saacacado kooban ay la waregeen kadib markii degmada afgooye ay ku weerareen labo jiho oo kala ah koonfurta iyo woqooyiga, warar soo baxaya ayaa sheegay in shabaab ay iyagu ku aaseen miinada.

Ilaa haatan majirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here