Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Madaxweyne C/kariin Guuleed oo La Kala Dirayo+Dhageyso

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa digniino culus u jeediyay shaqsiyaad ay sheegeen in ay isku dayayaan in lakala  diro Xildhibaanada Maamulkaas, oo xilka ka qaaday C/kariin Guuleed.

Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo kamid ah Baarlamanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Simba ayaa sheegay in odoyaasha kasoo jeeda beelaha Hawiye oo haatan ku sugan magaalada Cadaado ay wadaan qorshe lagu kala dirayo Xildhibaanada Maamulkas oo dhawaan kalsoonida kala laabtay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Duraan Cali jaamac ayaa tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin in la kala diro islamarkaana ay ku adkeysanayaan go’aankii xil ka qaadista Madaxweyne Maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in odoyaasha beelaha oo haatan ku sugan magaalada Cadaado ay wadaan qorshe lagu kala dirayo xildhibanadii kalsoonida kala laabtay madaxweynaha Maamulka  C/kariin Xuseen Guuleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here