Waxaa Caawa dab xoogan uu ka kacay suuq-boocle oo ah suuqa ugu weyn degmada dharkenley ee gobolka Banaadir.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa idaacadda Simba u sheegay in dabka uu sababay qasaare hantiyadeed silamarkaana aysan jirin gaadiid dabdemis ah oo goobta gaaray.
Dabka ayaa la sheegay in uu ku faafay qeybo badan oo suuqa kamid ah waxana maamulka degmada dharkenley oo aan la xariirnay ay ka gaabsadeen qasaaraha ka dhashay dabka.
Maanta ayey aheyd marki dab xoogan uu ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha.

