Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Ciidamada Nabad Sugida Maamulkaas ay xireen Majaajilistaha weyn ee Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis)
Ilo Lagu Kalsoonan Karo ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada ay ka xireen Majaalistahaan oo ka Tirsan Bahda Fanka magaalada hargeysa islamarkaana ilaa haatan aan si dhab ah loo ogeyn sababaha loo xiray Ajakis.
Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis) ayaa mudooyinkii dambe ka shaqeynayay TV-ga Universa, waxaa loogu bartay Barnaamijka Faaliyaha qaranka oo dad badna ay ku xiran yihiin.

