Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab u dagaalama kala bar ay yihiin dhalinyaro aad u da’yar oo inta badan la qasbo in ay dagaal la galaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.
Mr Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa tusaalo usoo qaatay dagaalyahanadii ay Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen bishii March ee sanadkii tagay kadib dagaalo ka dhacay gobolka Mudug, waxa uuna sheegay in dhamaan ay ahaayeen caruur aan qaan gaarin oo lagu qasbay dagaalka, iyagoo laga soo afduubtay xarumaha waxbarashada.
Warbixinta xog-hayaha ayaa sidoo kale sheegeysa in carruurta ka tirsan Al-shabaab oo ay dagaalka ku qasbaan ay gaarayaan da’ ahaan 9-jir, kuwaas oo la geeyo furumaha hore ee dagaalka, iyagoo xambaarsan hub culus.
Dhowr jeer oo hore Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda soomaliya iyo kuwa Amisom ay u adeegsadaan dhalinyaro aad u da’yar

