Faah-faahin:-Diyaaro Dagaal oo Duqeeyay Fariisimo Al-Shabaab ay Ku Sugnaayeen

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose  ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal oo ilaa haatan aan la aqoonin halka laga leeyahay ay duqeeyeen fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Diyaaradaha dagaal  ayaa duqeeyay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo hoos yimaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa ka arimiya Maamulka Xarakada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya  oo ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in duqeymahan ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsay saldhigyo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab, hasse ahaatee ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Deeganada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaliya waxaa inta badan ka dhaca duqeymaha lala eegto Saldhigyada ay ku sugan yihiin dagaalyhanada Xarakada Al-shabaab, waxaa duqeynta inta badan fuliyay diyaarahada Mareykanka.\

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here