Maamulka puntland ayaa xil ka qaadis rasmi ah ku sameeyay taliyihii deegaanka Galdogob Ismaaciil warsame xirsi.
Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Kornayl Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) Galdogob ayaa waxa uu si cad xilki kaga qaaday Talihi degmada Galdogob Ismaaciil warsame xirsi iyadoona la magaacabay taliye cusub.
Cismaan Xasan Cowke Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ayaa u magacaabay C/xamiid Warsame inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Degmada Galdogob.
Dhawaan degmada Galdogob waxaa ka dhacay Fal kufsi ah oo gabar soomaaliyeed loo geystay waxana kufsigaasi uu keenay si weyn xaalada Galdogob loo hadalhayo.

