Abdulaziz xildhibaan ”Dalka waa in Uu Helaa Isbadal Siyaasadeed”.

0

Abdiaziz ali Ibrahim( xildhibaan) oo ah qoraa  soomaaliyeed oo wax ka qora  arimaha  siyaasada, dhaqanka iyo deegaanka ayaa wareysi  uu siiyay Idaacada simba ee magaalada Mogadishu waxa uu ka’hadlay arimo kala duwan oo ku aadan marxalada Imika dalka uu kujir isaga oo wax badan ka’hadlay arimaha amaanka dalka, iyo Guuldarada dowladii uu hogaamiyaha ka’ahaa madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee xasan sheikh maxamud.

Cabdicasiis cali ibraahim xildhibaan ayaa sheegay in wadanka uu mugdi galay intii talada dalka uu hayay madaxweyne xasan sheikh isagoo xusay in meelo kala duwan dowladiisu ay ku fashilantay waxaana isbar-bar dhig uu ku sameeyay amaanka dalka sidii uu ahaa wixii ka horeeyay sanadkii 2012  iyo imika sida uu yahay isaga oo farta ku fiiqay in dalka amnigiisa la’dayacay oo waxbadan aan laga qaban waxaana uu sheegay in jid-walbo iyo xarumaha dowlada sugida amaankooda in  laga dhigay dhagxaan iyo birar wadooyinka lagu jiray waxaana uu sheegay in  afar sano ka hor bulshada soomaaliyeed ay ku haminayeen in mar’uun ay arki doonaan amniga dalka oo gacan adag ku jira balse nasiib darro dowlada xasan shiiq waa ay ku guuldareysatay in ay fuliso lixdii tiir uu sheegay xasan sheikh xiligii uu u tartamayay talada Dalka sida uu Simba abdiaziz xildhibaan u sheegay.

Abdiaziz xildhibaan ayaa dhanka kale walaac ka’muujiyay Hanaanka difaaca dalka  qaabka waqtigan uu yahay isagoona wal-wal ka muujiyay suurtagalnimada in al-shabaab ay dib ula wareegaan deegaano iyo dagmooyin ka tirsan  koofurta iyo bartamaha dalka soomaaliya oo ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom kolkii hore dagaal dhiig ku daatay ay kula wareegeen.

Ugu dambeentii abdulaziz ali Ibrahim xildhibaan oo imika ku sugan magaalada Mogadishu ayaa rajo wanaagsan ka’muujiyay dowlada cusub ee la’dhisayo sanadkan 2017  in wax qabad wanaagsan ay la’timaado iyo isbadal la’taabankaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here