Ergada Doorashada Xubnaha Aqalka sare Gobalada Waqooyi ayaa Sheegtay in Musuq-maasuqa lagu sameeyey Kuraasta laga soo Doortay Gobaladaasi uu gaaray heerkiigu Sareeyey marka la bar-bar dhigo Gobalada Koonfurta dalka.
Suldaan Ceydaruus Suldaan Saalax oo ka mid ah Ergada soo Dooranayey Xildhibaanada Aqalka Sare Gobalada waqooyi oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in guud ahaan Hanaanka Doorashada Kuraasta Gobalada Waqooyiga ee Soomaali-land uu ahaa mid ku salaysan Boob iyo Musuq-maasuq balse waxgaradka iyo ergada ayaga oo Tixgalinaya Qabsoomida Doorashada Madaxtinimo ay dadaal badan ku Bixiyeen inay Beelaha ay ka dhaadhiciyaan ay tanaasulaad badan sameeyaan.
Suldaanka ayaa intaa hadalkiisa ku daray inay jirtay Fara galin qaawan oo uga miyaanaysan Madaxda Xildoonka ah iyo Shaqsiyaad Doonayay inay Carqaladeeyaan Hanaanka Dhamaystirka Kuraasta Gobalada Waqooyi si loo dadajiyo Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

