Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile) oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ee dhawaan lasoo doortay oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay cida u tartami karta Kursiga Guddoonka Aqalka Sare.
Xildhibaanka C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile) ayaa sheegay in awood qeybsiga dalka uu dhigayo in xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka la siiyaa beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somali-land.
“Awood qeybsiga dalka waxa uu dhigayaa in kursiga Guddoonka Aqalka Sare la siiyo beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somali-land, waan maqlayay dad dhahaya Jurile ayaa u sharxan xilkaas kadib kulan uu la qaatay beelaha Puntland kasoo jeeda,warkaas waa been”, ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile).
Waxaa haatan guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka aqalka Sare ee dalka ay qabanayaan araajida mushariinta u taagan xilka, Gudoomiyaha aqalka Sare dalka iyo ku-xigeenadiisa.

